Mishaarka sharciga ah ee ugu yar haddi aad 21 ka weyn tahay waa £5.52 saacaddii.
Laguuguma khasbi karo inaad shaqeyso 48 saacadood ka badan wiiggii.
Waxaad xaq u leedahay nasasho habboon intaad shaqeyneso.
Waxaad xaq u leedahay fasaxyo.
Waxaad xaq u leedahay inaad meel nabadgelyo ah ka shaqeyso.
Ruuxa ku xukuma xaq uma leh inuu ku sooco, ku aflagaadeeyo ama ku xumeeyo.
Waxaad xaq u leedahay inaan lagu adoonsanin oo aad si sharaf leh u shaqeysato.
Waxaad xaq u leedahay inaad (Union) ku biirto ururkan (lid ka noqoto).
Ururku xuquuqdaada shaqaale ayuu difaacayaa.
Haddii ururka isku duubanyahay, wuxuu suurto gelinayaa nolol hagaagsan.
Haddii aad ka shaqeynayso halkan, si sharci ah ama sharci darro ahba, waad ka mid noqon karta ururkan I.W.W.
Ururkan I.W.W. wuxuu isku dayayaa si kasta oo uu ku caawin karo ruuxa lidka ka’ah.
Ku soo biir ururkan maantadan!