Mishaarka sharciga ah ee ugu yar haddi aad 21 ka weyn tahay waa £5.52 saacaddii.
Laguuguma khasbi karo inaad shaqeyso 48 saacadood ka badan wiiggii.
Waxaad xaq u leedahay nasasho habboon intaad shaqeyneso.
Waxaad xaq u leedahay fasaxyo.
Waxaad xaq u leedahay inaad meel nabadgelyo ah ka shaqeyso.
Ruuxa ku xukuma xaq uma leh inuu ku sooco, ku aflagaadeeyo ama ku xumeeyo.
Waxaad xaq u leedahay inaan lagu adoonsanin oo aad si sharaf leh u shaqeysato.
Waxaad xaq u leedahay inaad (Union) ku biirto ururkan (lid ka noqoto).
Ururku xuquuqdaada shaqaale ayuu difaacayaa.